Warbixin: Heerka Nolosha Muqdisho oo Labo Qeyb Noqday!!

Warbixin: Heerka Nolosha Muqdisho oo Labo Qeyb Noqday!!

Nolosha dadka kunool daafaha aduunka waxa ay u qeybsantaa sedex qeyb oo kala ah: Dabaqadda Hoose, Dabaqadda Dhexe iyo Dabaqadda sare.

Dabaqadda Hoose ayaa ah dadka sida aadka ah u shaqeeyo hadana helo kaliya wax aan kabaxsaneyn nolosha maalin laha ah, Dabaqadda Dhexe ayaa ah dadka xirfadooda ku shaqeysto waxa ayna noqon kartaa xifadaas mid uu qofku Jaamacad uga soobaxay sida xisaabiye ama khabiir yaqaan xirfadda Kumbiyuutarada iyo xirfado kale.

Halka Dabaqadda sare aytahay dadka hantida leh sida ganacsatada oo kale waxaana dabaqadaan u shaqeeyo oo Ganacsigooda kala wado Dabaqadda dhexe.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa noqotay mid u qeybsantay kaliya 2 qeybood, waxayna u  muuqataa in Dabaqadda dhexe oo muhiim u ah kororka dhaqaale ay meesha ka sii baxeyso.

Waxyaabaha Dabaqadda dhexe meesha kasaaray ayaa waxaa kamid ah in dhalintii jaamacadaha kabaxay ay ku dhacday shaqo la’aan, taas oo keentay in ayagoo xirfad leh ay toos ugu biiraan dabaqadda hoose.

Waxaa kale oo usabab ah in Dabaqadda sare oo ay kamidyihiin Ganacsatada ay kafaa’iideysan waayaan hal abuurka soobaxay oo ganacsigooda wax ku soo kordhin karo kana doorbidaan qof qaraabada ah.

Wadada Wadanaha ayaa kala qeybiso heerarka nolosha ee muqdisho, meelaha qaar waa macquul in dadka weli isku dhax noolyihiin, laakiin hadana waxaa dareemeysaa isbadal weyn ee dhanka nolosha ah markii aad ku dhax lugeyso labada qeybood ee magaalada.

Si aan qeexno heerka nolosha Muqdisho waxaa halbeeg uga dhigeynaa qodobadaan soosocdo:

1) Cuntada

Hadii aad maanta rabto in aad wax kacunto maqaaxi ku taalo KM4 ama meel kamid ah wadada Almukarama waa in aad qarash gareysaa ugu yaraan $10 halka maqaaxida ku taalo jidka 30 ka ama bakaaraha aad isla cuntadii aad ku cuni karo ugu badnaan $3 doolar.

Halkii koob ee Shaax ah ayaa lagu cabaa lacag dhan $1 markii aad joogto maqaaxi kutaalo Liido ama Maka al mukarama, halka Koobkii shaaxa lagu cabo $0.1 ama 3 Kun Sh. So. Markii aad joogto maqaaxi ku taalo wadada wadnaha ama Suuqa Bakaaraha.

2 Hoteelada

Qaar kamid ah Hoteelada kuyaal maka Almukarama waxaa halkii habeen lagu jiiftaa ugu yaraan  $50 halka hoteelada kuyaal Wadada wadnaha ama Jidka 30 ka lagu jiifto habeenkii kalia $3 doolar.

3 Kirada Guryaha

Filadda kutaalo Soobe ama Buulo xuubey waxaa furaha lakala kireystaa lacag u dhexeyso $400 – 500 oo doolar Bishii, hala Filadda kutaalo Baar ubax ama Albarako lakala Kireysto $250 – 300 Bishii.

Waxyaabaha kala qeybsanaanta magaalada muujiye waxaa kamid ah Amniga kaas oo keenay in markii magaalada wax ka dhacaan loo qeybiyo labo qeybood, Sidookale markaad u fiirsato bilicda iyo nadaafada wadooyinka waxaa dareemeysaa in aad loodaryeelo wadooyinka qeybta Dabaqadda sare, halka qeybta Dabaqadda hoose ay laamiyada qashinku iska daadsanyahay.

Dadka ku kala nool labada qeybood ee magaalada ayaa waxaa loogu kala yeeraa Diinleey iyo Diishleey Diinleey ayaa ah dadka jeebkoodu uusan buurneyn halka Diishleyna ay tahay dadka Jeeb weenayaasha ah.

Ganacsi