Maxay Marwalbo Soomaaliya Ugu Waziiro Badantahay Marka Loofiirsho Dalalka Deriska?

Maxay Marwalbo Soomaaliya Ugu Waziiro Badantahay Marka Loofiirsho Dalalka Deriska?

15 Kii bishii 6aad 2022 waxaa uu madaxweynaha dalka ku dhawaaqay waziirka 1aad ee xukuumadda waxa uuna u magacaabay Xamze Cabdi Bara, 10 Maalin kadib waxa uu Raysalwasaaraha cusub kahelay codka kalsoonida Golaha Shacabka, 3 Maalin kadib Raysal wasaare Xamza ayaa xafsiika kala wareegay Raysal Wasaarihii hore ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Intaas kadib waxaa Raysal wasaare Xamza laga sugayaa in uu soo magacaabo golohiisa wasiirada kadibna uu horgeeyo aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka si uu codka kalsoonida uga raadiyo, balse duruufo adag iyo Dano gaar ah ayuu ku wajahayaa xulista xubnaha qaban doono xafiisyada Wazaaradaha.

Danaha gaarka ah ayaa kala ah kuwo ka imaanayo asxaabtiisa iyo kuwa Madaxweynaha Asxaabtiisa sidookale Maamul goboleedyada qaar ayaa ayagana la imaanayo xubno ay wataan iyo dano u gaar ah, waxaa kale oo jiro isbeheysiyo ka imaanayo golaha shacabka oo ah halki lamarin lahaa xukuumada si ay sharciyad u hesho, Sidookale duruufaha waxaa kamid ah nidaamka 4.5 oo larabo in la ilaaliyo waa duruuf jirto laakiin caaqabd ku ah dowlad dhiska dalka una baahan in laga gudbo.

Xukuumad Noocee ah Ayaa Dalka Xal U Ah?

Xaaladaha dhaqaale ee lagu jiro iyo wazaaradaha qaar oo aynan jirin wax gooni ah ay qabaataan waxaa dalka u haboon maanta in uu yeesho xukuumad kooban, tayo leh, xuukmada hada xilka wareejinayso waxa ay ka koobantahay ilaa 26 Wazaaradood, qaarkood maalinki la magacaabay ilaa hada shaqo gooni ah oo ay qabteen lama haayo Miizaaniyad iyo qarash faro badan waa ay qaataan.

Xukuumadaha kajiro Dalalka Deriska!

Soomaaliya waxaa lafilayaa in Xukuumadii 3aad lasoo dhasho mudo kayar 6 sano gudahood, Dowladii Madaxweyne Farmaajo waxaa soomartay 2 Xukuumadood oo ka koobnaa min 26 Waziir, Xukuumadii Xasan Cali Kheyre oo ka koobneyd 26 Waziir.

Sidookale Xukuumadii Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa iyana ka koobneyd 26 Waziir

Wadamada Deriska ah hadii aan fiirino,  aan ka bilaawno Jabuuti Xukuumada hada jiro waxa ay ka koobantahy 10 Waziir, Itoobiya oo kabadan Soomaaliya Dad iyo Miisaaniyad intaba waxa ay leedahay 22 Waziir, Kenya oo ah dalka ugu dhaqaalaha xoogan bariga afrika waxa ay leedahay 21 Waziir

Jabuuti 10 Waziir

Itoobiya 22 Waziir

Kenya 21 Waziir

Miisaaniyadda iyo Golaha Waziirada!

Xukuumad kasto oo lasoo dhiso waxa ay u baahantahay Miisaaniyad ay ku howlgasho, taa ayadoo ay jirto ayaa hadana Wazaaradaha qaar wax ay qabtaan anan la arag, kaliya waxaa meesha ku baxo qarashaadkii dowlada oo si kale loogu faaiideysan lahaa, Wazaaradaha qaar oo ay mudneed in la isku qabto ayaa lakala qaaday si dad gaar ah loogu qanciyo shaqo abuurna loogu sameeyo taasna xal uma ah qaran dhiska dalka, xukuumada waxaa laga rabaa in ay la imaato qorshe shaqo abuur oo dalkoo dhan ah ee ma ahan in dad kooban loo sameeyo shaqo abuur ayadoo la dhisaayo Wazaarad aanan la garaneyn waxa ay qabato.

Gunaanad

Muhiimada ugu weyn waxa ay tahay in lasameeyo xukuumad kooban, tayo leh iyo qorshe ay ku shaqeyso, Raysalwasaare Xamza waxaa lagudboon in uu meel iska dhigo danaha gaarka ah ee xargaha goostay sameeyana xukuumad tayo leh dan qarana ka shaqeyso.

 

Hadii aad maqaalkaan ka heshay kusoobiir Mareegtaan adigoo Email kaaga galinaayo qeybta hoose oo ay ku qorantahay Rukumo, mahadsanid.  

 

Maqaalo