Balanqaadyada Uu Sameeye Madaxweyne Xasan Sheekh ee Laga Sugaayo!

Balanqaadyada Uu Sameeye Madaxweyne Xasan Sheekh ee Laga Sugaayo!

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii 2aad loo doortay xafiiska ugu sareeyo Qaranka, waxa uuna noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeye taariikhda Soomaaliya ee 2 Mar loo doorto xafiiska.

MW Xasan waxa uu isku heystaa ka shaqeynta Arimo bulsho sida waxbarashada oo in mudo ah uu ku howlanaa, khibrad Madaxweyne oo hore,  iyo mid Mucaaradnimo oo u xigtay taas oo uu ku ogaaday in waxbadan ay ka gaabteen waqtigiisii hore, intaas oo la isku daray madaxweynaha waxa ay siin kartaa in uu fahan buuxo ka heysto halka ay maanta Soomaaliya la’dahay iyo daawada ay u baahantahay intaba.

Halkaan waxaan ku soo gudbineynaa qaar kamid ah balanqaadyadii uu sameeye Madaxweyne Xasan Sheeq kahor doorashadiisii iyo waxyaabaha kale ee laga sugaayo in uu waxbadan ka qabto, Khudbadii uu ka horjeediayay labada aqal ee baarlamaanka kahor doorashada waxa uu ku balan qaaday wax ka qabadka  4 Qodob oo muhiim ah  kuwaas oo kala ah:

AMNIGA IYO CADAALADDA

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisi musharaxnimada aad uga lafa guray wax ka qabashada amni darada baahsan ee ka jirto guud ahaan dalka, sidookale waxa uu balan qaaday in uu hagaajin doono garsoorka dalka, Amniga dalka ayaa kujiro waqtigaan lajoogo xaalad adag, sidookale waxaa aad looga cawdaa cadaalada dalka ayadoo ay dheceen falal cadaalad daro ah xiligiisii hore iyo sidookale mudo xileedkii madaxweynihii hore Mudane Farmaajo, Bulshada Soomaaliyeed waxa ay Madaxweyne Xasan ka sugaayaan ka dhabeynta balan qaadkii uu ka sameeyee hagaajinta Amniga iyo cadaalada.

DIB U HESHIISIIN BULSHO

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muhiimada saaray in uu xooga saari doono dib uheshiin bulsho iyo mid siyaasadeed intaba waxa uu si gaar ah ugu nuux nuuxsaday wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

NIDAAMKA XIZBIYADA BADAN

Madaxweynaha ayaa balan qaaday hirgalinta nidaamka xizbiyada badan, waxa uu sheegay in aan lasiiwadi karin nidaamka 4.5 loona baahan yahay in laga gudbo kaas oo Madaxweynaha lagu doortay 2 waqti, waxa kale ee uu sheegay madaxweynaha in ay jirto qorshe uu 2017 kii ku wareejiye Madaxweynihii hore kaas oo looga gudbaayo nidaamka doorashada dadban, isla qorshahaas ayuu sheegay in lagu laaban doono, wax kabadal lag sameyn doono lana dhaqan gali doono.

XOOJINTA DHAQAALAHA

Madaxweynaha waxa uu balanqaady ajandihiisiina ku daray in uu wax badan ka qaban doono horumarinta dhaqaalaha dalka, waxa uu sheegay in uu shaqo abuur badan sameyn doono, asigoo si gaar ah u xusay dhalinyarada.

sidookale wareysi uu siiyay Madaxweynaha idaacadda VOA Somaali waxa uu sheegay in uu 100 ka maalin ee ugu horeyso uu ansixin doono sharciyo muhiim ah, hagaajin balaarana lagu sameyn doono hayadaha amniga, maanta oo maqaalkaan laqoray waxaa laga joogaa 63 Maalin xiligii la doortay Madaxweynaha mana jiraan amni wax laga badalay iyo sharciyo la ansixiyay intaba.

 

Hadii aad maqaalkan ka heshay una baahantahay kuwo kale oo muhiim ah nagu soobiir oo Email kaaga gali qeybta hoose oo ay ku qorantahay Rukumo mahadsanid.

 

Arimaha Bulshada