Sida aan lasocono Waxaa Dhamaadkii sanadii 2019 ka iyo Bilaawga Sanadka 2020 ka waxaa dhagaheena ku batay maqalka erayga Foorekis ( FOREX) eraygaan oo asal ahaantiisa kayimid labo eray oo la soogaabiye kadibna la isku daray ku waas oo kala ah (Foreign Exchange) macno ahaana naqaneysa “Sarifka Lacagaha Qalaad” ayaan rabaa macluumaad laxariiro in aan halkaan ku soo gudbiyo.
Suuqa FOREX hadii ladhaho wax halaga qoro laguma soo koobi karo hal faallo, waxana jiro Buugaag faro badan oo laga qoray suuqaan iyo qaabka uu u shaqeeyo, kuwaas oo aad heli karto hadii aad baarto balse waxa aan faaladaan u qorayo ayaa ah in aan kula wadaago Macluumaad kooban oo suuqaan laxariiro iyo qaabka loo dhacay lacago faro badan ayadoo la isticmaalayo Magaca Suuqaan.
Waa Maxay Forex?
Si kooban FOREX waa Suuq Online ah oo lagu sarifo lacago dadal kaladuwan, si lacagahaan la isugu sarifana waxaa la isku raaciyaa labl labo ayadoo mid kamid ah la iska Iibinaayo (Sell ) halka midkalana la soo iibsanaayo (Buy ).
Sida caadiga ah qofkasto oo nagamid ah wuu sameeyaa FOREX laakiin xirfad shaqo kama dhigano. Tusaale: hadii aad adigoo Dollar wato usafartid wadan aan laga isticmaalin Doolarkaas, waxaad ku qasbantahay in aad sarifato lacagtaas, qaabkaas waa nooc kamid ah FOREX, oo labo lacag ayaa isku badashay, Markaadse u muraado in aad suuqaan ka dhax shaqeysato waxaad noqon doontaa Sarifle faaiido kadhax raadiya isdhaafsiga lacagaha kala duwan ee suuqa yaalo.
Midna ogaaw suuqaan waa mid daqiiqad kasto isbadali karo mana jirto cid balanqaadi karo Faa’iido kaliya, Waayo waxaa taariikhda lagu haayaa Dad halmaalin kahelay Malaayiin Doolar halka kuwa kalane ay ku Khasaareen, hadaba lacag kasto oo aad suuqa lagaleysid ama sarif kastoo cusub oo aad suuqaan ka dhax sameyneesid waxaad u aqonsaneyaa xadiga lacagtaas aad suuqa ku galeysid in ay halis gali karto.
Qaabkee ayay Dadka Soomaaliyeed Lacagta badan ugu luntay??
Sida uu suuqa Ushaqeeyo markaad aragto iyo qaabka ay lacagaha badan u lumeyn waxaa kuu soo baxeyso in lacagahaas labo Qaab mid kamid ah ku lumeyn.
1) Dadka ama Shirkadaha lumiyay lacagaha faraha badan, hadii ay si sax ah FOREX ugu shaqeeyeen waxay Suuqa lagaleen lacago faro badan
(Overtrading) ayagoo is leh waxaad heleysaan Faa’iido badan, taa badalkeedana ay ku qasaareen Suuqii, noocaan waa halis badanyahay mana jirto qof balan qaadi kara in la faa’iidayo kaliya, sidookale majiro qof balanqaadi kara Faaiido 50% ama 60% ayadoon lasoo hadal qaadin in qasaarana jiri karto.
2) Arinta kale ee ugu macquulsan in ay lacagta ku luntay uguna dhaw ayaa ah qiyaanada Caanbaxday ee Banzi Iskiim (Ponzi Scheme ).
Ponzi scheme ayaa ah qiyaano dadka loogu qaado lacag ayadoo loo balan qaadayo Faa’iido badan oo soconeyso iyo Khasaaro la’aan, Waxay kadhacday arinkaan wadamo badan oo caalamka kuyaal, meesha ugu daran ee Qiyaanadaan kadhacdayna waa Mareekanka, waxay ushaqeysaa qaabka ah in Qofkii ugu horeeye ee Maalgashtay ayaa lasiiyaa Lacag laga qaaday qofkii u danbeeye ee Maalgashi ku sameeye Qiyaanadaan, sidaas ayayna ku socotaa, markii uu qof dadkii maalgashtay kamid ahna uu dalbado in uu lacagtiisa labaxo, waxaa shuruuda kamid ah in uu Bil kahor soosheego waqtiga uu lacag u baahanyahay si Maalgashade cusub lacagta laga qaaday loosiiyo qofka baxaya.
Waxaysa arinkaan fashilantaa markii ay dad badan hal mar isla codsadaan in ay labaxaan lacagtooda lana waayo Maalgashade cusub.
Sifaadka Ponzi scheme
Qiyaanadaan waxaa lagu gartaa tilmaamahaan soosocdo:
Balnqaad Faaiido badan oo Soconeyso iyo Qasaare la’aan.
Shaqsi ama Shirkad aan heysan wax Ruqsad shaqo ah.
Shuruudaha Kubiirista iyo Lacag ku darsashada oo Fudud.
Lacag kalabixida oo adag iyo tilmaamo kale oo badan.
Gunaanad iyo Talo.
Akhristow hadii aad rabto in aad FOREX lacag kasameysid iskuday in aad barato oo waqti badan bixiso, hadii aadan taas awoodin rabtana in aad lacag ka hesho Suuqaan FOREX, raadi qof aad ku kalsoontahay Aaaminaadiisa iyo Xirfada uu uleeyahay suuqaan, una dhiibo wixii aad ugu talogashay adigoo Maskaxda ku haya in ay Lacagtaas lumi karto, talada ugu fiicanse waa adigu baro ama iska daay!!!.
Waxaa Qoray Abdullahi Arbaca