Markaan Dibadda Tago Ayaan Dareemaa Duruufta Dalkeyga!!

Markaan Dibadda Tago Ayaan Dareemaa Duruufta Dalkeyga!!

Ku dhawaad 30 sano oo dagaalo ah waxaa gabi ahaanba burburay kaabayaashii dhaqaale ee dalka sidookale waxaaa dhulka galay bilicdii iyo haybadii qaranka waxaana meesha kabaxay nidaamkii iyo kala danbeyntii, hadaba weli ma is weydiisay  su’aalahaan hadii aad dalka dibada uga baxday ama adigoo joogo maku fikirtay mar uun.

Hadii aad kabaxo gudaha dalka oo aad dibadda aado markii aad kadagato garoon wadan kale maxaa niyadaada marka ugu horeyso ku soo dhaco?

Ma is barbar dhigtaa halka aad tagtay iyo meesha aad kasoo tagtay farqiga udhexeeyo?

Marka aad aragto bilicda iyo quruxda dalka aad booqatay naftaada ma u sheegtaa in qarankaagu dib udhacay?

Hadii aad booqatay dal dibadda kuyaal oo qurux badan, amni ah, kaladanbeyn kajirto, dhaqaalihiisana fiicanyahay ma is weydiisay weli ujeedka kadanbeyo quruxda iyo dhaldhalaaka dalkaas?

Hadaba Soomaaliya ayaa 30 kii sano ee lasoo dhaafay waxa ay naqatay meel  aan loo xiisin halka dadkii Soomaaliyeedna  ay noqdeen qaar  isaga cararay dhibaatada, qaar ku waayaay naftooda iyo maalkooda iyo qaar aan melena aadin oo ku sabray wixii dhacaye welina rajo kaqabo in ay arkaan qaran awood badan oo ay hoos harsadaan.

Hadaba maxaa u xal ah Jiilka maanta oo aan weli nasiib u helin in uu arko qaran xoogan?

Hadii aad tahay dhalinyaro oo aadan nasiib uhelin qaran Soomaaliyeed oo xoogan ma ahan in aad manta waqtigaaga kulumiso qabyaalad iyo danahaaga gaarka ah kaliya ee waxaa lagaa doonayaa in aad u fikirto sidii lagu heli Lahaa qaran ay ka faa’iideystaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Si jiilasha danbe u helaan dhaxal wanaagsan jiilka maanta waxaa laga doonayo waa in ay aayaha dalkooda utashtaan, si ay ugu noolaadan jiilka danbana udhaxlo dal sharaf leh.

Maqaalo