Layaab: Guri Xaafadeed Lagu Soo Dalacay Lacag Koronto Oo Gaaraysa $38 Milyan.

Layaab: Guri Xaafadeed Lagu Soo Dalacay Lacag Koronto Oo Gaaraysa $38 Milyan.

Guri ku yaalo magaalada New York ee dalka Mareekanka ayaa hal bil kaliya waxaa lagu soo dalacay lacag gaareysa sodan iyo sideed malyan oo doolar $38 M.

Tommy Straub oo ah malkiilaha guriga ayaa sheegay in ay layaab ku noqotay lacagta tirada badan ee lagu soodalacay bil kaliya.

Mar uu lahadlaye saxaafada ayuu u sheegay in uu dangantyahay guri 55 mitir square ah, aysana macquul aheyn in uu isticmaalo xidi korontyo oo intaas ah kaliya Bil gudaheed.

Waxa uu bartiisa Twitter ka soodhigay cabasho uu kaqabo lacagaha tirada badan ee lagu soo dalacay sidoo kale waxa uu soo galiye in uu lahadlay shirkadii korontada.

” Waxa aan filaaye bishaan kaliya $74 doolar bishaan, laakiin waxaa aad ula yaabay lacagahaan tirada badan ee soo kordhay” sidaas ayuu saxaafadda u sheegay.

Ugu danbeyn Tommy Straub ayaa soo dhigay bogiisa Twitter ka in laxaliye qaladkii dhacay laguna soo dalacay kaliya $77.14 sidoo kale looma sheegin waxa qaladkaan sababay.

Arimaha Bulshada