Hadii Aad rabtid In Aad Murqahaaga Dhistid, Joogtey Cunidda 7 daan Cunto!!

Hadii Aad rabtid In Aad Murqahaaga Dhistid, Joogtey Cunidda 7 daan Cunto!!

Waxa waayadaan danbo aaad loogu badnaay in qofkasto uu xooga saaro dhisida Murqihiisa, Dadyow faro badan ayaa waqti badan galiyo sidii ay udhisi lahaayeen Murqahooda, Waxaan aragnaa marwalbo dad usocdo Gym, sidookale ayagoo muuqaalo iska sooduubaayo xiliga Gym ka si ay noola wadaagan in ay dhisaayaan Murqahooda, balse taa kaliya ma suuro galin karto in Murqaha ku dhismaan.

Hadii uu gym ka qeybtiis Murqo dhiska kasoobaxo waxaa jiro qayb kale oo quseyso isla Murqu dhiska, Qeybtaas waa raashinka aad cuneyso, Raashinka waxa uu saameyn toos ah ku leeyahay Murqo dhisidda, hadaba waxaa halkaan kugula wadaageynaa 7 cunto oo muhiim u ah dhisida Murqaha:

1) Ukunta

Ukunta waa mid kamid ah cunoooyinka ugu fiican ee lacuno xili kasto, sidookale waxa ay muhiimad gaar ah leeyihiin xiliga uu qofku rabo in uu dhiso murqihiisa, hadii aad tagto gym oo aad weydiiso cunooyinka ugu fiican ee lacuno xiliga murqo dhiska, Ukunta hadii aysan noqon cunada 1ad waa hubaal in ay tahay tan 2aad, ukunta waxaa ku badan maadooyin jirka Muhiim u ah, sidookale waxaa kujiro fitamiino faro badan.

2) Almonds

Waa Miraha ka muuqda sawirka kore, dadka intiisa badan ma oga laakiin mirahaan waxa ay leeyihiin faaiidooyin faro badan, waxaa ku badan fitamiinka looyaqaano alpha-tocopherol Vitamin E kaas oo aad muhiim ugu ah jirka, sidookale mirahaan waxaa ku badan maado murqaha ka ilaain karto in ay jeexmaan marka uu qofku jimicsi sameyn tago.

 

3) Kaluunka Salmon

Salnoon waxa dhax ceegaago maadooyin aad muhiim ugu ah Murqaha, Borotiin badan ayuu leeyahay sidookale waxa uu leeyahay Aasidka looyaqaano Omega 3 fatty acids kaas oo saameyn weyn ku yeesho koriinshaha Murqaha, Aaasidkaan sidookale waxa uu muhiimad u leeyahay difaaca jirka.

4) Hilibka Lo’da

Waa macquul in aad ka aaminsantahay fikrad qaldan hilibka Lo’da, Maxaa yeelay waxaa ku badan dufanta, laakiin mid ogaaw, hilibkaan waxaa ku badan maadada looyaqaano Creatine, Daawooyinka qaar ee loo isticmaalo jirdhiska waxaa inta badan ku qoran maadadaan taas oo aad sidabiici ah ugu heli kartid hilibka Lo’da. Sidiikale Hilibkaan waxaa ku badan maadooyinka Zinc iyo Iron oo muhiimad gaar ah leh.

5) Farmaajada

Farmaajad nooca looyaqaano  Cottage Cheese waxa ay muhiimad gaar ah uleedahay Jir dhiska ama Murqa dhiska, Waxaa ku badan borotiinka waxaana aad ugu yar dufanta, halkii galaas waxaa ku jiro 28 garaam oo borotiin ah.

6) Shukulaatada Caanaha ah

Waa mid kamid ah Cunooyinka ugu fiican ee loo isticmaalo dhisida murqaha, Sida caadiga ah Caanaha waxa ay door muhiim ah ka qaataan koriinshaha Imaha, Caanaha waxyaabaha kale oo laga helo waxaa kamid ah Amino Acid oo ah Aasiidka dayac tiro ugxaanta jirka ku jirto. Shukulaatada Caanaha ah waxa ay aad u fiicantahay in uu cabo qofka kadib waqtigi jimicsiga.

7) Hilibka Doorada

hadii aad raadineyso cuno ay ku badantahay Borootinta sidookale aanan laheyn wax dufan ah, hadaba joogtey cunida hilibka Doorada, 100 Garaam oo Hilib Dooro ah hadii aad cunto waxaad ka heli kartaa 30 garaam oo borotiin ah iyo kaliy 4 garaam oo dufan ah, borotiinka waa laf dhabarta koriinshaha murqaha, Hilibka Doorada/Digaaga waa mid khaas ah marki la joogo Jir dhiska.

 

hadii aad maqaalkaan ka heshay Walaal Qeybta hoose ka rukumo sidaad u hesho Maqaalo kale oo Muhiim ah.

 

 

Caafimaad