Tobankaan Magaalo oo Qaarkood ayba yihiin Caasimado maanta sanadii 1960 kii maba jirin, dalalka ay ku yaalana waagaas qorshahaugumaba jirin in ladhiso xitaa, hadaba yaa kamid ah 10 kaas magaalo?
1) Doha, Qatar
Magaaladaan waxa ay sameyse Koriinsho cajiib ah, Maanta waa Caasimadda Dalka Qatar, 2013 kii Majallada Forbes ayaa dalka Qatar u aqoonsatay in uu yahay wadanka ugu qanisan caalamka, Magaaladaan waxa ay maanta tartan adag kula jirtaa magaalooyin kale oo kula yaalo khaliijka iyo daafaha caalamka, Doha waxa ay ka faaiideysatay Shidaalka dabiiciga ah oo ay heesato taas ayaana keentay in ay hawada gasho, 1963 kiii ayaa lagu dhawaaqay magaca magaaladaan, maanta waxaa ku yaalo dhismayal cajiib ah, dhaqaalaheedana hawada sare ayuu marayaa?
2) Abuja, Nigeria
Abuja waa mid kamid ah 10 ka magaalo ee ugu dadka badan wadanka Nigeria, markii uu dalkaan xornimada kaqaatay boqortoooyada ingiriiska, waxa ay dadkiisu isku howleen dhisida magaalooyinka, Magaaladan Abuja waxaa dhisideeda lasoo bilaabay sideetameeyadii waxaana laga soo bilaabay sakxadda, Maanta waa caasimada dalka waxaana ku yaalo dhismayaal cajiib ah.
3) Astana, Kazakhstan
Wadankaan Madax banaanidiisa helay 1991 kii ayaa magaaladiisa Astana waxa ay kamid tahay magaalooyinka aanan jirin 1960 kii laakiin maanta leh saameyn dhaqaale iyo mid bulsho intaba, Magaaladaan ayaa ah Caasimada dalka walow hada magaca laga badalay loona bixiye Nur Sultan, Mgalaadaan oo horayna u sooqaadatay magacyo kala duwan ayaa noqotay caasimada dalka sanadii 1998 kii, nashaqada magaaladaan waxaa ku fara yareestay Nashqadeeye u dhashay dalka Japan laguna magacaabo Kisho Kurokawa.
4) Navi Mumbai, India
Magaaladan waa mid kamid ah magaalooyinka ugu dadka badan Caalamka, Waxaa la nashaqadeeye sanadii 1972 kii, Magaaladaan ayaa u balaaratay si xowli ah, Dhismo yaal dhaadheer iyo Nashqado cajiib ah ayay isku heshay, Boosteejooyin Tariino iyo garoon diyaaradeed caalami ah ayay leedahay.
5) Putrajaya, Malaysia
Magaaladaan waa xarunta Dowlada Federaalka ah, waxay 25 km ujirtaa Caasimada Dalka, Maadaama Caasimada dalka ee Kuala Lumpur xamili weyse amaba qaadi wayse dadka kunool sanadii 1990 kii, waxaa la go’aansaday in ladhiso magaaladaan waxaana la bilaabay dhismaheedaa sanadii 1995 kii, sanadkii 2012 ka waxaa magaaladaan u guuray Waziiro farabadan, waxay leedahay magaaladan Roonabootka ( Roundobout) ugu weyn caalamka.
6) Sandouping, China
Magaaladaan waxa ay caan ku tahay sada biyo Xereen, 3daan biyo xireen waxaa lagu sheegaa in ay yihiin kuwa ugeyn caalamka ee koronto laga dhaliyo, Markeedi hore waxa ay aheyd Magaalo kaluumeysi, dhismaha biyo xireenadaan waxaa halmar ka shaqo bilaabay 40,000 oo qof.
7) Iqaluit, Nunavut, Canada
Magaaladaan waxaa aasaastay dad isku dhaqan ah kana kalayimid Greenland, Canada iyo Alaska, waxa ay aasaastrrn sanadii 1999 kii, Waxa ay ka aasaasteen gudaha dalka Canada, magaaladaan markeedii hore waxa ay aheyd Saldhig Diyaaradaha laga hago, Mgaaaladaan waxa ay caan ku tahay Cimilo Qabow badan.
8) Incheon, South Korea
Magaaladaan mucjisada ah waxa ay sameyneesaa koriinsho xawaare ku socdo, waxa ay kaabiga ku heysa wadanka Waqooyiga Kuuriya kaas oo xurguf siyaasadeed kala dhexeyso kownfurta Kuuriya, waa magaalads 3aad ee ugu weyn dalka, Magaaladaan waxa ay Casri noqotay sanadii 1994 kii, Magalaadaan markaa arakto sida ay ugu faaiideysatay Tiknoolajiyadda Casriga ah mudo kooban Madaxaaga ayaa diidaayo.
9) King Abdullah City, Saudi Arabia
Magaaladaan ayada dhan maba jirin 55 sano kahor, hada waxaa kasocdo mashaariic waaweyn oo lagu hormarinaayo, intooda badan mashaariicdaan waxa ay dhamaadeen sanadii 2020 kii, Mashruuca ugu weyn ee magaaladaan waxaa lagu dhawaaqay sanadii 2005 tii, magaaldaan waxaa la qorsheynayaa in ay ku noolaadaan dad gaarayo 2 Milyan oo qof.
10) Dubai, United Arab Emirates
Waa id kamid ah Magaalooyinka wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, majirin magaaladaana markii uu dalku xornimada qaadanaaye sanadii 1971 kii, waxaa kunool magaaladaan dad gaarayo 2.1 milyan, waxa ay leedahay dabaqyo Caadka kasareeyo, waxaa usii dheeri bilic iyo qurux indho daraandar leh.
hadii aad kaheshay maqaalkaan Rukumo Majallada si aad u hesho maqaalo kale oo cajiib ah, majaladdu waa bilaash.