Waxaan marnaba shaki ku jirin in qof kasto oo cayilan/buuran uu rabo in uu si dhaqsi ah miisaankiisu udhimo, hadiiba uu sameynaayo qaab loodhimo miisaanka. Waxaa jiro qaabab ay daku sameeyaan taas oo u fududeyso in ay miisaanka kudhimaan, halka dadka qaar aysan u shaqeynin isla qaabkaas ama habkaas lagu dhimo miisaanka.
Waxaa halkaan ku soo bandhigeynaa 5 qaab oo lagu dhimi karo miisaanka taas oo horay loo tijaabiye dadyow badana ka caawisay in ay Miisaankooda ku dhimaan, waxaa kamid ah:
1) Cab Biyo Badan Kahor Inta Aadan Wax Cunin!
Biyaha sida caadiga ah waxa ay caafimaad uyihiin jirkaaga, laakiin ma ogtahay in hadii aad cabto biyo kugu filan aad miisaankaaga ku dhimi karto? in aad cabto biyo badan cuntada kahor, waxa ay muhiim utahay hanaanka dheefshiidka, waxa ay biyaha badan fududeeyaan in cuntada si dhaqsi ah looshiido, sidookale biyaha badan waxa ay kahor tagaan in aad cunto raashiin faro badan kaas oo sababi karo in uu miisaankaaga sii cuslaado.
2)In Aad Lugeeyso, Orodo ama aad Baaskiil/Bushkuleeti Kaxeeyso Maalin kasto.
Hadii aad waqti heyso oo aad guriga iska joogtid ama aad goobta shaqada u lugeyn kartid maalin kasto waa muhiim, sidookale Cilmi baarayaal ayaa ku talinaya in wadida ama kaxeynta Baaskiilka ay muhiim utahay dhimista culeyska, Markasto oo aad raashin cunto kadib hadii aad lugeyso way ugu sii fiicantahay hadii aad rabto in aad culeeskaaga yareyso.
3) Hadii aad Meel Cimilo Qabow leh joogtid Iskudhig!
Waxaa qofkasto jirkiisa kujiro dufan loo yaqaan brown fat, kaas oo sahlaayo in uu qofku diiranaado markasto oo uu tamar isticmaalayo, xiliga qowga ah marka aad tamarta isticmaaleyso waxaa sidookale gubnaayo dufanta taas ayaana keeneyso in uu qofku miisaankiisa ku dhimo, sidaas darteed waa muhiim hadii aad heesato cimilo qabow ah in aad iskudhigtid, laakiin iska ilaali in uu qabow kugalo.
4) Sifiican u Ruug ama u Calyeey Cuntada Kahor Inta Aadan Liqin!
Markasto oo aad cunto cuneysid waa in aad si fiican u ruugto, tan waxa ay kuu sahleysaa in aad cunto raashin yar oo kugu filan intii aad cuni laheyd raashin xad dhaaf ah, tan waa hanaan macquul ah oo ay dad badan ku lumiyeen miisaankooda.
5) Cuntada Ku Darso Liin
Raashin kasto oo aad cuneysid waa muhiim in aad ku darato Liimo dhanaanta, Liinta waxa ay ka mid tahay khudrada aasaaska ah ee loo isticmaalo in lagu yareeyo culeyska.
Hadii aad maqaalkaan ka heshay nagu soobiir oo gali Email kaaga qeybta hoose kadib rukumo, sidookale faalo kabixi maqaalka lana wadaag asxaabtaada.