Mooska waxa uu mid kamid yahay khudaarta lacuno kuwa ugu muhiimsan, raqiis ah, hadana marwalbo la iska heli karo, sidaas ayadoo jirto ayaa hadana inta badan bulshadu aysan xooga saarin Faa’iidooyinka kujiro cunida Mooska.
Hadii aad cunto 2 Moos maalin kasto waxa uu waxbadasn ka tari doonaa cadaadiska dhiigaaga jirkaaga, sidookale waxa uu muhiim uyahay gudaha mindhicirada, waxaa kale oo laga heli karaa in uu culeyska dhimo ama yareeyo.
Mooska sidoo kale waxa uu muhiim u yahay dadka jimicsiga sameeyo, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay shidaalka qofka jimicsiga sameynaayo larabo in uu qaato ka hor jimicsiga ama kadib.
Halkii moos ee dhaxdhaxaadka ah waxaa kujiro oo laga heli karaa 14 gram oo ah sokor dabiici ah taas oo jirkaaga ubaahanyahay.
Sidookale Mooska markii lafiiqo oo qolofka kore ee cagaarka ama jaalaha ah laga qaado waxaa jiro walxo dusha sare kasaaraan Mooska unadhexeeyo mirta lacuno ee Mooska iyo qolofka sare, walxahaas dhaxda kujiro waxa ay door muhiim ah ka qaataan in caloosha si fiican shqadeeda u qabsato
Cilmi Baaris ayaa sheegeysa in hadii dumarku maalin kasto cuntada kahor ay cunaan 2 Moos, in ay xeerta caloosha saaran is dhimi doonto.