Cilmi Baaris: Yaa Maskax badan Gabdhaha iyo Wiilasha Marka Lajoogo Fasalka?

Cilmi Baaris: Yaa Maskax badan Gabdhaha iyo Wiilasha Marka Lajoogo Fasalka?

Cilmi Baaristaan oo laga sameyay arday barato maadada Biology ga Jaamacadda Arizona State University sanadkii tagay ee 2018, ayaa lagu sheegay in ay Raggu isku heystaan in ay ka maskax badan yihiin Gabdhaha marki lajoogo Fasalka.

Cilmi Baaristaan oo lagu daabacay Joornaalka Advances in Psychology Education ayaa waxa ay leedahay in jinsigu saameyn weyn ku leeyahay marka laga fiiriyo caqliga iyo maskaxda is barbardhigna lagu sameeyo ardayda.

Cilmi Baarayaasha Jaamacadda Arizona ayaa weydiiyay 250 arday oo ah arday ka diiwaan gashan isla jaamacadda, si gaar ah waxaa ardayda loo weydiiye in ay qiyaasaan heerka maskaxdooda ayagoo isbarbardhig ku sameynayo Wiilasha iyo Gabdhaha.

Waxaa layaab ku noqotay cilmi baarauaasha in Gabdhaha ay hoos u dhigeen heerka maskaxdooda marka loo eego Ragga. sidoo kale marka isbarbardhig lagu sameeyo darajada ama buundada uu arday walbo kaheysto imtixaanka ayaa waxaa soo baxday in wiilka iyo Gabdhaba ay si isla mid ah u heestaan Grade Point Average GPA 3.3.

sidoo kale wiilasha waxa ay leeyihiin in ayagu 66% ay maskax badanyihiin, halka Gabdhuhuna ay leeyihiin in ayagu 54% ay maskax badanyihiin marka lajoogo Fasalka

Cilmi baaris hore oo isla jaamacada ay sameeysay ayaa waxa ay leedahay in Raggu ay ka maskax badanyihiin Dumarka marka loo fiiriyo agabka/qalabka xiisadda lagu qaato.

Arimaha Bulshada