J.C Owens, Ameerikaankii Madoobaay, sidee ayuu cunsuriyadda uga guulaysatay? halkaan hoose kaga bogo.
Sida ann ognahay Ciyaaraha Olimbikada (Olympic Games) waxaa laqabtaa 4tii sanaba mar waxaana looqabtaa intabadan wadamada Aduunka ku yaal ayadoo lagu soo bandhigo noocwalbo ee ciyaar oo ladheelo, laguna xoojiyoo isdhaxgalka bulshada iyo nabadda.
James Cleveland Owens oo loo yaqaan J.C Owens ahna madow Afrikaan ah kuna dhashay Mareekanka ayaa wacadaro kadhigay ciyaaraha Olimbikada sanadii 1936 kii kuwaas oo lagu qabtayb magaalada baarliin ee wadanka Jarmalka.
J. C Owens oo kasoo jeedo Qoys Sabool ah ayaa markuu ahaay 13 jir waxa uu lakulmay ninka heysto biladda Olimbikada ee lagu magacaabo Charley Paddock, talo katimid Paddock oo aheyd in uu Owens mar uun noqdo Horyaalka Olimbikada ayaa meeshii waxaa taladii ku qaatay Owens.
Owens oo kasoo jeedo Qoys sabool ah ayaa waxaa ku adkaatay in uu tababarka laasimo ama joogteeyo maadaama uu caawin jiray qoyskiisa oo beeraleey ah, sidookalana uu ahaa Arday Iskuul, waxaasa markii danbo u suuro gashay in uu caawimaad tababar kahelo Mr Paddock oo markii horaba ay katimid talada.
Owens ayaa gaaray guulo isdaba joog ah waxa uuna kasoo dhax muuqday tartamadii jaamacadaha, sanadii 1935kii waxa uu rikoor kadhigay tartankii Horyaalka 10ka Jaamacad ee ugu wayn Mareekanka.
Owens ayaa looxushay in lagu daro kooxda Mareekanka kumataleyso ciyaaraha Olimbikada ee dhicay sanadii 1936kii, waqtigaas waxaa heerki ugu sareeye maraaye ficilada cunsuriyadda, taas oo sababtay in uu Owens markii maqaayad wax laga cunaayo uu lafariisan jiray kaliya dadka madow, Markii lajiifanaayo uu laseexan jiray kaliya Dadka madow, Markii hotel ladagaayo uu ladagi jiray kaliya Dadka Madow, markii loo ogolaado in uu lajoogo dadka cadna waxa uu fadhiisanjiray qeybta danbo, sidookale markii laga daganaayo dabaqa hotelka asiga looma ogoleyn in uu raaco wiishka ee waxa uu isticmaali jiray Jaranjarada.
Markii lagaaray waqtigii Ciyaaraha, waxaa xiligaas wadanka Jarmalka oo ciyaaraha lagu qabanaaye madax ka ahaa kaligii taliyihii Hitler, waxa uuna faafiyay dacaayad ah in dadka cad kaliya ku guuleysan doonaan biladaha Dahabka ah.
Owens ayaa dacaayadii Hitler ku noqday laf dhuun gashay oo waxa uu ku guuleystay 4 Bilad oo dahahb ah, waxaa uu ku guuleystay orodka 100 ka Mitir, kan 200 Mitir, kan 400 Mitir ee Qori isku dhiibka ah iyo Bootinta dheer ee uu booday 7 Mitir.
Hitler ayaa aad uga carooday guulahaas uu gaaray Owens oo ahaa nin madow waxa uuna diiday in uu gacan qaado markii lagu doonsiinaaye biladaha dahabka ah, Owens ayaana halkaas kutusay dunida in ficilka cunsuriyadda iyo islaweynida Hitler aysan waxba aheyn.
Gerald Ford oo ahaa Madaxweynihii 38aad ee Mareekanka ayaa Biladda xoriyadda waxa uu gudoonsiiyay J.C. Owens oo wacadaro kadhigay tartankii Olimbikada ee dhacay Sanadii 1936 kii.
Waxaa Qoray: Abdullahi Arbaca
Nio qaabka uu wacdarada udhigay sfcn iigama gedin ee qeebta udanbeyso dhameystir hadalku waa igu socdaye