Labadaan dal ee dariska ah ( Ruushka iyo Yukreen ) oo mar ka wada tirsanaa jiray Midawgii Suufiyeet ayaa ugu danbeyn kala tagay kadib burburkii Midowga, Yukreen ayaana sidaas ku noqotay dal madax badaan sanadii 1991 kii.
Ruushka waxa uu bilaabay in uu iska ilaaliyo reer galbeedka maadaama uu midowgii ka burburay, waxa uuna go’aan ku gaaray in dal daris la ah uusan kubiiri karin isbaheysiga NATO.
Yukreen ayaa noqotay awood muuqato waxa ayna u janjeersatay xaga iyo reer galbeedka, siyaasad ahaan Ruushka waxa uu faragaliyay doorashooyin badan oo kadhacay Yukreen si uu uhelo marwalbo madaxweyne asiga taabacsan.
Yukreen waxa ay heshiisyo horudhac ah la gaartay midowga Yurub si ay ugu biirto, sidookale waxa ay wadahadal la yeelatay Isbaheysiga NATO si ay ugu mid noqoto, dhaq-dhaqaaq yadaas ay sameysay Yukreen waxaa ka dhashay in uu Ruushka faro galin qaawan ku sameeyo Yukreen.
Sanadii 2014 kii waxa uu Ruushka ka jaray Yukreen dhulka Jaziirad u ekaha ah ee Crimea, kadib dagaal ba’an oo dhacay, daandaansi iyo hanjabaad joogto ah ayuu Ruushku siiwaday.
Shacabka dalka Yukreen ayaa sanadii 2019 ka cod aqlabiyad leh ku doortay jilaaga caanka ahaa jiray hadana ah Madaxweynmaha dalka Volodymyr Zelenskyy in uu noqdo madaxweynaha dalka, kadib doorashadiisi Zelenskyy waxa uu bilaabay xoojinta dadaaladii socday ee ahaa kubiirista isbaheysiga NATO.
Ayadoo xiisada labada dal hawada mareysoo ayaa Janaayo 2021 kii waxa uu Zelenskyy la xariiray Joe Biden, Madaxweynaha Mareekanka waxa uuna kacodsaday in uu dalkiisu kubiiro gaashaanbuurta NATO.
Ruushka ayaa arinkaas aad uga xanaaqay waxa uuna bilaabay in uu ciidan xoogan geeyo xuduuda Yukreen halkaas oo uu saldhigyo waaweyn ka sameystay, Bishii Diseembar ee sanadii 2021 kii waxaa uu madaxweynaha Mareekanka wacad ku maray in cunaqabateyn tii ugu darneyd uu saari doono Ruushka hadii uu farogaliyo Yukreen!.
Xiisada labada dal ayaa sii kululaatay waxaa jiray wadahadalo hore oo ay labada dal ku yeesheen caasimadda Belaruus kuwaas oo ayagana ugu danbeyn laburburiyay qodobadii lagu heshiiye.
21 Feebaraayo 2022, Madaxweyne Putin ayaa 2 Gobol oo kamid ah Yukreen u aqoonsaday in ay yihiin wadamo madax banaan, 2da gobol ayaa kala ah Donetsk iyo Luhansk, 2daan gobal ayaa waxa ay marwalbo raadinayeen gooni isutaag.
24 Feebaraayo 2022 Ruushka ayaa farogalin toos ah ku sameeye Yukreen asigoo dhanwalbo ka weeraray, qasaaro xoogan oo labada dhinac ah ayaa ka dhashay dagaalka toos ka ah ee uu Ruushka ku qaaday dalka Yukreen, Waxaa uu dagaalka gaaray ilaa Caasimadda dalka Yukreen ee Kiyeef.
4 Maalin oo dagaal toos ah oo aan kala joogisi laheyn kadib waxa ay hada madaxda labada dal ku balansanyihiin wada hadal, wada hadalka waxa uu ka dhicidoonaa xadka Belaruus iyo Yukreen waxaana garwadeen ka noqandoono wadanka Belaruus.
Hadii uu maqaalkaan muhiim kuu ahaa lawadaag asxaabtaada sidookale ku soobiir mareegtaan adigoo Email kaaga galinaayo qeybta hoose halka kay ku qorantahay Rukumo, Mahadsanid.