Calaamadaha Lagu Garto Coronavirus iyo Farqiga Udhaxeeyo COVID19 iyo Hargabka.

Calaamadaha Lagu Garto Coronavirus iyo Farqiga Udhaxeeyo COVID19 iyo Hargabka.

Waxa mar qura ku baahay dunida gees ka gees oo gaaray, wadan walbana saameeyay caabuqa kasoo bilaawday asal ahaan Sheenaha ee loo yaqaan Coronavirus(COVID-19)

Hadaba waa maxay Calaamadaha Cudurkaan??

Waxay ay dadka inta badan isku qaldaan calaamadaha cudurka COVID19 ee ku cusub dunidaan kana dhashay qoyska Fayriska ah ee loo yaqaan Coronavirus iyo Hargabka caadiga ah oo jirijiray waligiis, hadaba waxaa halkaan ku kala saareynaa Caalamadaha Coronovirus ( COVID19) iyo kuwa Hargabka Caadiga ah

Calaamadaha Coronavirus (COVID19)

Calaamaha lagu garto Corona Virus ( COVID19) waxaa kamid ah

Qunfac Qalalan
Qandho Joogto ah
Neefta oo Yaraato

Kuwaan waa calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto COVID19, waxaa jiro calaamado kale dhif ah oo lagu arko qofka qabo COVID19, laakin kuwa ugu caansan waa kuwa kor kuxusan.

Calaamadaha Hargabka

Calaamadaha lagu garto Hargabka waxaa kamid ah

Qunfac iyo Qandho iswato
Madax Xanuun
Diif Socdo

COVID19 iyo Hargabka oo aad isugu dhaw ayaa waxaa hadana jirto calaamado ay mararka qaar isla wadaagaan sida dhuunta oo cun cun sameyso, Korxanuunka, iyo Hindhisada.

hadaba Cudurkaan COVID19 oo ah cudur halis ah ayaa waxaa fiican hadana qofkii isku arko calaamadaahn kor ku xusan in uu is karantiilo si uu dadka kale uga badbaadiyo halista Cudurkaan.

Waa muhiim in nadaafadda xooga lasaaro sidookalana dadka laga wacyigaliyo halista cudurkaan COVID19 oo sida ay Cilmi baarayaal badan sheegeen in ay adagtahay in laxakameeyo faafitaankiisa.

 

 

Caafimaad