Nooca cusub ee Coronavirus(Covid-19) ayaa dunida gees ka gees gaaray waxaan maanta sidaan ka warheyno uu gaaray in kabadan 200 oo wadan, Soomaaliya oo wadamadaas kamid ahna waxaa la xaqiijiye in uu gaaray cudurka.
Waa Maxay Coronavirus??
Coronaviruses waa qoys feyris ah oo ku dhaco inta badan xoolaha, mararka qaarna usoo gudbo dadka sida midkaan maanta dunida oo idil faraha ba’an ku haayo, kaas oo ka dhashay nooc cusub oo fayris ah.
COVID19 oo laga soo gaabiye Coronavirus Infectious Disease 2019 ayaa waxa uu xiriir dhaw la leeyahay cudurka loo yaqaan Severe Acute Respiratory Syndrome (SARS) oo asna ku faafay dunida intii u dhaxeyse 2002-2003, waxa uu kudhacay in kabadan 8000 oo qof waxa uuna dilay dad gaaraya 800 oo qof waxaana labadooduba kawada dhashaan Virus ka looyaqaaan Coronavirus.
Sidookale waxaa 2012 dii mar qura dilaacay cudur kale oo kamid ah Coronavirus loona yaqaan Middle East respiratory syndrome (MERS) kaas oo asna kadilaacay bariga dhexe waxaana inta la ogyahay uu kudhacay in kabadan 2500 oo qof waxaana u dhintay dad gaaraya 900 oo qof.
COVID19 ayaa waxa uu kaduwan yahay labadaas cudur oo kor kuxusan, kana wadatirsanyihiin Coronavirus, 80% dadka waxa uu ugu dhacaa si dabacsan, waxaa macquul ah in uu dadbadan kudhaco ayadoon dadkaas lagu arkin wax calaamad ah ah taas ayaana keeni karta in ay adkaato in la koontaroolo.
Ilaa hada inta la ogyahay dadka uu ku dhacay cudurkaan 20% waxa ay galeen xaalad caafimaad oo adag, taas oo sababtay in inta badan dadkaan laseexiyo goobaha ladhigo dadka xaaladda adag galo.
Khubaro Caafimaad oo u dhashay wadanka Shiinaha ayaa sheegay in uu cudurkaan ka koobanyahay 2 nooc oo isku milan taas oo ay adagtahay in lasoo saaro talaalkiisa.
Sidee Ayuu ku Faafay Cudurkaan??
Cudurkaan ayaa sida la ogsoonyahay waxa uu ka bilaawday suuq ku yaalo magaalada Wuhan ee wadanka Shiinaha, suuqaas oo lagu iibiyo hilibka Xoolaha ayagoo dhintay iyo ayagoo nool intaba waxaana kmid ah xoolahaas Shimbiraha iyo Malaayga.
Suuqaas ayaa la aaminsanyahay in uu yahay halka cudurkaan oo inta badan lagu yaqaan xoolaha uu uga soo gudbay dadka taas oo keentay nadaafad xumo ka jirto halkaas.
Cudurkaan COVID19 kana mid ah Coronavirus ayaanan wali lagaraneyn xayawaanka uu kasoo gudbay waxaana la maleynaayaa in uu ka soo gudbay xayawaanka looyaqaan Kibiliga ama Fiidmeerta.
Cudurkaan oo markiisii hore ka soo bilaawday Shiinaha ayaa maanta gaaray dunida dalacadeeda oo idil sababtuna waxa ay tahay in faafidiisu ay aad u sahlantahay.