Waa Maxay Musuq Maasuq? Meeqo Ayuuna Ukala Baxaa??

Waa Maxay Musuq Maasuq? Meeqo Ayuuna Ukala Baxaa??

Bilaawgii qarniga 21aad waxaa dunida ku baahay Musuqmaasuq kaas oo saameyn xoogleh ku yeeshay siyaadada iyo dhaqaalaha wadamo fara badan, musuqa ayaa wadamo qaar waxa uu ka naqday wax iska caadi ah asigoo ku faafay bulshada qeybaheeda kala duwan, dhanka siyaadasa waxa uu ka saameyay lunsashada xoolaha dadweyne, halka dhan bulshana uu saameeyey kadib markii ay bixinta laaluushka iska naqatay wax caadi ah.

qormadaan waxaa kaga bogan doontaa waa maxay Musuq maasuq? Maxaa sababo musuq maasuqa? Meeqo nooc ayuu u qeybsamaa Musuqa? Yaa ku kaco sameynta musuqa iyo faahfaahino kale oo ku saabsan musuqa.

Waa Maxay Musuq Maasuq?

Musuq maasuq wa ku takrifal ama ku xadgudub  awood qof lagu aaminay, awoodaas ha ahaato mid guud sida xafiis doowlad ama mid gaar ah sida shirkad ama hayad asigoo qofkaasi uga faaiideysanaayo awoodaas lagu aaminay meelmarinta danihiisa gaarka ah.

Maxaa Sababi karo Musuqa?

Waxyaabaha sababo Musuqa kuwooda ugu waaweyn waxaa kamid ah, Aqoonta Bulshada uu musqa ka dhax dhacaayo oo aad u hooseyso, qofka msuqa ku ka caayo oo qabo baahi lacageed, Saxaafada oon xor aheyn iftiimin karina musuqa jiro, Hogaan dabacsan oon daacadna aheyn iyo kuwa kale.

Meeqo Nooc ayuu ukala baxaa Musuqa?

Musuqa waxa uu ukala baxaa noocyo fara badan, waxaansa ka soo qaadaneynaa noocyada ugu caansan uguna badan ee inta badan dhaco, waxa ay kala yihiin noocyadaas: Lunsasho Hanti Aadan laheyn, Bixin ama Qaadashao Laaluush, Qof Jecleysi: sida in aad qof ehelka ama asxaabta kamid ah aad wax lawada lahaa asiga ku abaalmariso iyo kan ugu danbeyo ee ah Qabsasho Qaran, qabsasho qaran waa in koox isbaheysatay ay qabsadaan awood dal kooxdaas waxa ay inta badan ka yimaadaan ganacsato iyo siyaasiyiin heshiisay.

Meelaha uu saameeyo Musuqa!

Musuqa waxa uu saameeyaa meelo faro badan ha ahaato hayado dooli ama kuwo gaar ah waxa uuna ka saameyn karaaa: Lacagta: sida bixinta laaluush ama lunsasho hanti, Dadka: ku xadgudubka qof, sida in cadaalad daro lagu sameeyo ayoo loo eexanaayo qofkale, ama xil uusan laheyn lasiiyo qof aanan u qalmin ayadoo laheli karo qof u qalmay, Hantida: sida in wax la is daba mariyo kadibna lagu dhaco hanti ayoo qofka sidaas sameyhaana uusan xaq ulaheyn qaadashada hantidaas, Awooda: ku xad gudub awood qof lagu aaminay asigoo uga faaiideysanaayo danihiisa gaarka ah.

 

Si aad u hesho Qormooyin xiiso leh nagu soobiir oo qeybta hoose halka ay ku qorantahay Rukumo, gali Email kaaga, mahadsanid.

 

 

 

Arimaha Bulshada