Sidee Musuqa Qaraabo Kiilnimada Usamaayeeye Dowladnimada Soomaaliya!

Sidee Musuqa Qaraabo Kiilnimada Usamaayeeye Dowladnimada Soomaaliya!

Bilowgii bishaan 8aad waxaa baraha bulshada qabsaday gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nasra Abukar Ali, gabadhaas oo ka qeyb aheyd 2 ciyaaryahayn oo jaamacadaha Soomaaliya ku matalayay tartanka jaamacadaha aduunka ee FISU kaas oo lagu qabtay magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha.

Nasra Abukar Ali ayaa taariikh cusub ka dhigtay tartamadaas ayadoo noqotay taariikhda qofkii ugu horeeye ee ku orda 100 Mitir mudu ah 20.81 ilbiriqsi, waxa ay noqotay taariikhda qofka ugu gaabiya ee orday tartan noocaan ookale ah.

Nasra oo aheyd qof aanan u diyaarsaneyn in ay orodo ayaa waxaa tartanka looga qeyb galiyay qaab Musuq qaraabo kiilnimo ah, manaqaan ujeedka laga lahaa in ay ka qeyb gasho tartan heerkaan ah ayada oonan u diyaarasaneyn in ay orodo.

Arinkaan ayaa daaha ka qaaaday in Soomaaliya ay tahay wadanka ugu musuqa badan caalamka taas oo ay kaalinta 1aad uga jirtay kala horeynta musuqa wadamada caalamka sanadihii lasoo dhaafay.

Sidee Musuqaan Qaraabo kiilnimada ah u saameeyey Soomaaliya?

Qaraabo kiilnimo waa nooc musuqa kamid ah oo looyaqaan Nepotism, waana in qof haayo  xafiis guud ama mid gaar ah uu awoodihiisa ugu faaiideysto asigoo shaqaaleysiinayo asxaabtiisa, qaraabadiisa/xigtadiisa asigoo aanan ku xulaneyn wax tartan iyo aqoon toona ah balse ku dooranaayo kaliya qaraab kiilnimo iyo asxaab.

Nidaamka guracan ee 4.5 kaas oo dolwad dhiska Soomaaliya lagu soo waday in kabadan 20 sano, waxa uu si toos ah u dhiira galiyay musuqa qaraabo kiilnimada, Madaxweyne, Waziir, Xildhibaan, Gudoomiye iyo xitaa Agaasime kasto oo xil dowlo haayana badankood waxa ay xooga saaraan xil uraadinta qaraabadooda ayagoo ka duulaayo in Soomaaliya wax ku qeybsatay nidaama 4.5!.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa fagaaro cad ka dhahay in caruurtiisa ay ka shqeyn karaan xafiisyada dowlada ayna lamid yihiin muwaadiniinta kale, waxa uuna lataliye ka dhigtay gabadhiisa, arinka jiro ayaa ah gabadhiisa xaq ayay u leedahay in ay qaranka u shaqeyso laakiin qaabkee ayay shaqada ku heshay? Jawaabtu waa Qaraabo kiilnimo wana nooc musuqa kamid ah waliba kuwa ugu xun dhanka musuqa ah.

Waziirka ganacsiga ayaa asna fagaare cad ka dhahay in uu Xildhibaan iyo Waziirba u yaay beeshiisa, xafiisyda dowladana uu shaqo uga raadin doono kaliya ehelkiisa maadama ay xilka usoo doorteen cadaadisna ay ku haayaan si uu shaqo abuur uga sameeyo dhalinyarada ehelka.

Gudoomiyaha ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Khdiija Aadan Daahir ayaa xil ka joojin lagu sameeye ayadoo lagu eedeeye in Nasra Abukar Ali oo ay habaryar utahay uxulato in ay orod ku matasho Jaamacada Soomaaliya, tartanka Jaamacadaha aduunka, hadaba hadii qaraabo kiilnimo xil la isaga qaadaayo yaa xilka kaqaadayo ayaga Madaxweyne Xasan Sheekh Waziirka Ganacsiga maadaama ay ku keceen musuq qaraabo kiilnimo ah?

Waa Maxay Musuq Maasuq? Meeqo Ayuuna Ukala Baxaa??

Hadii aad maqaalkaan ka heshay nagu soo biir oo Email/Gmail kaaga gali qeybta ay ku qorantahay Rukumo si aad u hesho maqaalo kale oo xiiso leh, Mahadsanid.

Arimaha Bulshada