Wadanka Hindiya Nin ayaa waalidiintiisa dacwo ka ah waxa uuna sheegay in markii ay dhalaayeen aysan kala tashan gabi ahaanba dhalashadiisa.
27 jirkaan ayaa wado qorshe dacwo ah uu ku sheegay in uu ka diyaarinaayo Hooyadiis iyo Aabihii taas uu hada wado qorshaheeda.
Raphael Samuel oo ah Ganacsade ku nool magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa BBC da u sheegay in ay khalad tahay in ladhalo caruur ayadoon lagala tashan, taas oo keeni karta in caruurtaas ku danbeeyaan xaalad khatar ah.
Ninkaan ayaa sheegay in uu xariir fiican kala dhexeeyo waalidkiis lakin waxa uu rabo ay tahay bal in uu ogaado waxa keenay latashi la’aanta lagu dhalay asiga.
Ninkaan ayaa muuqaal uu duubay baraha bulsshada aad ugu faafay waxana kadhalatay in ay dadka qaarna ku qoslaan halka kuwa kalana ay ku raaceen fikirkiisa.
Waxa uu baraha bulshada ku faafifay jawaab uu kahelay hooyadiis taas oo ah ” hadii uu si fiican noogu sharxo qaabka aan ugala tashan leheyn dhalashadiisa waa aqbaleynaa danbiga” sidaad waxaa dhahday Hooyada dhashay nin kaan.