6 Cunto iyo Cabitaan oo Hadii Aad Cunto Ilkaha Kaa Wasaqeyn Karo!

6 Cunto iyo Cabitaan oo Hadii Aad Cunto Ilkaha Kaa Wasaqeyn Karo!

Waa muhiim in aad marwalbo kafikirto Badqabka, Quruxda iyo Caafimaadka ilkahaaga, si aad u dhoolacadeyso marwalbo waxaa lagama maarmaan ah in aad ka fikirto waxa aad cuneyso iyo sida ay ilkahaaga ula falgali karaan, hadaba waxaa halkaan kuugu soo gudbineynaa 6 Cunto iyo Caabitaan oo hadii aad joogteyso cunistooda Ilkaha kaa guduudin kararo:

1) Shaaxa Madoow:

Shaaxa Madoow ama looyaqaano Shaaxa bigeyska ah inta badan dadka aad ayay u jecelyihiin cabistiisa hadana caafimaad ahaan wax faa’iido ah malahan, kaaga siidarane waxa uu ku dheelayaa midabka ilkaha oo midabka uu yahay oo kale ayuu ku reebayaaa afka, khubarada ku xeeldheer arinkaan waxa ay ku talinayaan halkii laga cabi lahaa shaaxa madoow in laga cabo shaaxa cagaaran asigaa ka caafimaad badan, sidookale wax wasaq ahna kuma reebayo afka.

2) Cabitaanada Aashitada Leh:

Cabitaanada gasaceysasn iyo kuwa leh Aashitada intooda badan waxa ay ku yimaadaan midab la farsameeye, midabkaas waxa uu saameyn ku yeelanayaa afka qofka cabay, sidookale Sokorta ku badan cabitaanadaas ayaa leh ayadan khatarteeda.

3) Miraha Looyaqaan BEETS:

Mirahaan cunistooda waa mid aad u fiican, caafimaad ahaana uroon in lacuno, loaakiin cilada jirto ayaa ah in ay leeyihiin midab gaduud ah oo xoogan taas oo ilkaha qofka cuno ku reebi karto saameyn, hadii aadan iska dhaafi karin cunista mirahaan waxaa ku dhax darsan kartaa miro kale si aad ula cunto ama markii aad cunto kadib ayad ka cadeysan kartaa.

4) Kafeegaq Madoow:

Sidaan filaayo waad maqashay dad subaxa hore cabo koob kafee ah sidookale waxaa jiro dadyow badan oo qabatimay, Dhaqaatirta qaar waaba kadigeen in lajoogteeyo, waxaa intaas sii dheer in kofeega madoow uu lamid yahay shaaxa madoow waxa uuna wasaqeeya ilkaha. Dhib malaha in aad koob kafee ah subixi cabto kadibna ka cadeysato laakiin hadii aad maalinkii cabto 5 ilaa 6 koob taas waxaa ka dhalankarto in uu ilkaha kaa wasaqeeyo.

5) Macmacaanka:

Macmacaanka sida nacnaca waa mid kamid ah kuwa ilka wasaqeeyo sidookalana halis galiyo, macmacaanadaas tirada badan waxaa ka dhalankaro in ay ilkaha si toos ah u wasaqeeyaan, sokorta kubadan ayaa leh iyana halisteeda, waxaa inta badan aad u isticmaalo cunista nacnaca caruurta.

6) Suugada looyaqaano SOY

Inkastoo aanan laga helin goobo badan suugadaan looyaqaano Soy, hadana hadii aad takto wadanka Shiinaha ama aad tagto maqaayadaha shiineyska ee kuyaalo caalamka waxaad si fudud kuheli karta suugadaan balse muhiim makuu tahay cunisteeda? waxa ay leedaha midab xoogan oo gaduudan kaas oo saameyn ku yeelan karo ilkahaaga.

Hadii aad maqaalkaan ka heshay ama wax uun ka faa’iiday kusoobiir halkaan oo Rukumo, si aad joogto ugu heshid maqaalada halkaan lagu daabaco.

Caafimaad